Odayaal Dhaqameed Sheegay In Gobolka Awdal Aanu Qeyb Ka Ahayn Warqadda Ictiraaf Raadinta Somaliland
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Awdal ee maamulka Somaliland ayaa sheegay iney ka soo horjeedaan barnaamij dhawaan magaalada Hargeysa lagu soo gabo gabeeyey oo wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ay sheegtay in dad ka badan Hal million oo qof oo reer Awdal ay ku jiraan laga saxeexay codsi ah in Somaliland loo aqoonsado dawlad madax banaan .
Caaqil Axmed Gaboobe oo ku hadlaayey afka odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin tirada lagu darsaday ee reer Awdal isal markaana ayna dhinacooda ogayn in loo codeeyay arrintaasi, “Reer Awdal waxba kumey darsanin arrinta wasiirka arrimaha dibadda Somaliland sheegayey ee ah in cod iyo saxeex lanaga qaaday hore na loo weydiiyeyna ma jirto hadana ma ogolin sababta oo ah waxaanu tirsanaynaa caddaalad darro baahsan oo todoba sanno in ka badan soo jiitameysay waxaanu ka cabanaynaa dad la laayey sannado ka hor oo aan cadaalad looga garnaqin, waxaanu ka cabanaynaa saami qaybsiga siyaasadda sidaas darteed ma jirto sabab aanu ugu codayn karno arrintaasi”, ayuu yiri Caaqil Gaboobe.
Madax dhaqameedkan ayaa si wadajir ah u sheegay in reer Awdal xaq u leeyihiin in laga qanciyo waxii tallaabo siyaasadeed ah oo ay xukuumadu ka qaadanayso gobolkooda, waana siday ay hadalka u dhigeene.
Madaxdan dhaqanka ayaa sidoo kale sheegay inay dood ka qabaan deegaanno ka tirsan Awdal oo cashuurtooda la hoos geeyey Hargeysa kaasi oo ay ku tilmaameen inuu dhabar jab ku yahay dhaqaalaha gobolka Awdal soo gali lahaa waxayna baaq ku aaddan tabashooyinkaa u direen madaxweyne .
Magaalada Hargeysa ayaa 23 bishan, waxa lagu soo gabagabeeyay barnaamij Afar bilood ay soo wadday wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo dad tiradoodu gaarayso hal Milyan iyo 21 Kun oo qof ay soo saxiixeen cosdi ay dunida kaga dalbanayaan in la ictiraafo Somaliland, gobolka Awdal ayaa ah kan labaad ee xogtiisa ay wasaaraddu soo bandhigtay.
Goobjoog News