U bood dhigaalka

Aqalka Cad: Mareykanka Waxaa uu Aqbalay In Ka Badan Toban Kun Oo Qaxooti Suuriyaan Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Obama waxaa uu sheegayaa in muddo ka yar hal sano ay aqbaleen in ka badan 10 Kun oo qaxooti Suuriyaan ah, dadkaas oo ku dhibaateeyay Asad.

Dalka Mareykanka waxaa kaloo uu sheegayaa in sanadkan ay qaxootinnimo u aqbali doonaan 87 Kun oo qaxooti caalamka guud ahaan ka socda.

Bisha September 20keeda waxaa lagu wadaa on Obama uu guddoomiyo shir New Yourk ka dhacaya oo looga hadlo arrimaha banii’aadamnimada.

Dalka Mareykanka waxaa uu qaxootinnimo u aqbalay in ka badan 3.2 Milyan oo qof wixii ka dambeeyay 1975-tii.

Goobjoog News