U bood dhigaalka

Madaafiic Maanta Ku Dhacday Nawaaxiga Xerada Xalane Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dhowr Madfac ayaa maanta kusoo dhacay Nawaaxiga Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah fariisinka ugu weyn ee ciidamada AMISOM.

Madaafiicdan ku dhacay nawaaxiga xerada Xalane ayaa la sheegay in ay ahaayeen Hoobiyeyaal.

Mid ka mid ah dadka ku sugan Nawaaxiga Xalane ayaa inoo sheegay in mar qura ay ka war heleen madaafiic soo dhaceysa.

Khaaraha ka dhashay Madaafiicdan illaa iyo iminka lama oga, hase ahaatee xaaladdu waa mid deeggan.

Saraakiisha amniga gobolka Banaadir iyo taliska AMISOM weli wax war ah kama aanay soo saarin madaafiicdan.

6-dii bishan madaafiic lagu soo tuuray Nawaaxiga madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa ku dhintay Hal qof, waxaana ku dhaawacmay 3 kale.

Goobjoog News