Maamullada Somaliland, Puntland oo la Kala Wareegay Maxaabiis iyo Gaadiid

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa la kala wareegay sideed ruux iyo hal gaari oo af duub muddo 20 bari ah loogu kala haystay magaalooyinka Burco iyo Garoowe.
Sideedan ruux oo dhammaantood rag ah ayaa dhinacba lagu haystay Afar nin iyadoo dhinaca Burco ay u dheerayd baabuur. Wada hadal dhex maray labada guddoomiye gobollada Togdheer iyo Nugaal ka dib la isku afgartay in dadkaasi si nabad ah loogu kala celiyo deeganadoodii ay ka soo kala jeedeen.
Kulan ka qabsoomay deegaanka Ganbara oo ay goobjoog ka ahaayeen labada guddoomiye ee guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cumar Cabdilaahi Fara-weyne iyo guddoomiyaha gobolka Togdheer ee Somaliland Maxamed Aadan Qabo .
Guddoomiyaha gobolka Nugaal mudane Fara-weyne ayaa ku tilmaamay talaabadan mid ay dani ugu jirto dadka shacabka ee u kala gudba Puntland iyo Somaliland waxanuu yiri “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa Maamulka Gobolka Togdheer ee Somaliland oo dedaal badan muujiyey, keenayna Dad aan Waxba galabsan oo la afduubay, annaguna maanaan dedaal yarayn ee Dad baanu keenay.”
Guddoomiyaha gobolka Togdheer isna wareejinayey maxaabiista Burco lagu haystay ayaa yiri “Dadka lagu afduubay Somaliland iyo kuwa Lagu Afduubay Puntland waxay keentay inuu isku socodkii Istaago, markaa waanu xallinay oo waa nagaa gacmaha is haysanna, markaa waxaanu Dadweynaha u sheegaynaa inay isku socon karaan oo aanay wax dhibaato ahi jirin.”,.
Deegaanada Somaliland iyo Puntland ayaa si joogta ah dadku ugu kala safraan, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay in dad aano loogu kala qafaashay labada maamul.
Goobjoog News