U bood dhigaalka

Soomaali Ku Xirneyd Xabsiyada Masar Oo Lasii Daayey

Sheeko:Dalka

Dowladda Masar ayaa xabsiyo ku yaalla dalkeeda waxay kasoo deysay muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaa oo lagu qabtay howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Wararka waxay sheegayaan in dadka la daayey ay gaarayaan tiro ahaan 30 qof oo 10 ka mid ah Dumar yihiin.

Dadkaan ayaa lagu xiray Waqooyiga dalkaasi kadib markii la sheegay in looga shakiyey iney yihiin Tahriibayaal doonayey in dalkaasi uga sii gudbaan Yurub.

Saraakiisha Booliiska Masar ayaa sheegay in dadkaan la hayey 11 maalin oo baaritaanno lagu wadey, islamarkaana markii la ogaaday iney yihiin Qaxooti dib xorriyadooda loo siiyey.

Masar ayaa muddooyinkaan dambe waxay marin u noqotay dadka Tahriibayaasha ah ee hiigsanaya Yurub, iyadoo la xusuusto dhibaatadii ugu xooganeyd ee baddaasi kasoo gaartay dad Soomaaliyeed.

Goobjoog News