U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Laga Soo Dejiyey Dekadda Boosaas

Sheeko:Dalka

Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan hub la sheegay in laga soo dejiyey dekadda Boosaaso ee gobolka Bari.

Hubkan oo ahaa Lix Bistoolad iyo rasaas ayaa lagu soo qariyey doon ganacsi oo ka timid dalka Yemen, waxaana sidoo kale ay ciidanka qabteen ninkii waday hubkaasi.

Maxamed Cali Xaashi oo ah taliyaha dekadda Boosaaso oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Bistoolooyinka si hoose loogu soo qariyey Xalwada cad, balse ciidanka dareen galay kadib ay baareen Xalwadaasi, hoosteedana ka helay Bistoolooyinkan oo Bac lagu soo xiray.

Baaritaan degdeg ah oo ciidanka Booliiska sameeyeen waxaa la qabtay dhowr qof oo hubkan keenistiisa ku eedeysnaa, hase ahaatee waxaa falkaasi qirtay Hal shaqsi oo la sheegay inuu isaga Bistooladahan watay.

Waxaa shaqsigaasi durba lasoo taagey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, iyadoo lagu xukumay 20 sano oo xarig ah, halka Bisttoladahana ay la wareegtay Puntland.

Goobjoog News