U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Maanta Ay Ka Bilaabatay Dhageysiga Dacwaddii Khilaafka Xisbiga UCID

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maata  bilowday dhageysiga dacwaddii khilaafka xisbiga UCID ee u dhexeeysay labada garab ee ay kala hoggaamiyaan musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamaal Cali Xuseen iyo Guddomiyaha xisbiga ee Faysal Cali Waraabe.

Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa goobjoog ka ah dhamaan dhinacyada is khilaafsan ee xisbiga, iyadoo sidoo kalena uu xaadir ku yahay goobta guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali. Waxaa la filayaa in xisbiga khilaafkiisa oo in muddo ah soo jiitamayay la soo gabagabeeyo oo maxkamaddu ay go’aan kama dambeys ah ka gaarto.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maxkamadda sare u gudbiyaya dacwaddan isagoo racfaan ka qaatay go’aan ay soo saareen guddiga khilaafka xisbiyada, go’aankaas oo  xisbiga loogu gar qaaday in ay  shirweyne qabsadaan ka dibna la doorto musharaxa xisbiga iyo xubnaha kale ee maamulka oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka 3aad.

Xisbiga UCID ayaa mudooyinkii dambe kala qeybsanaan ay ka dhex jirtay,  taas oo daciifisay rajadii xisbigu ugu jiray hanashada xilka madaxtooyada Somaliland.

Goobjoog News