U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Lagu Dilay Jeneraal Goobaale (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Qarax Ismiidaamin ah ayaa maanta waxa uu ka dhacay albaabka hore ee xerada Guul wadayaashe oo ku dhow xarunta wasaaradda difaaca Soomaaaliya ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare geystay.

Qof watey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay isku qarxiyey gaari uu la socday taliyaha Guutada Saddexaad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Jimcaale Rooble Goobaale, xilli uu kasoo baxayey xerada Guul Wadayaasha.

Waxaa halkaasi ku dhintay Taliyaha iyo sidoo kale 6 ka mid ah ilaaladiisa sida Goobjoog News u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa dhaawac ahaan loola soo cararay mid ka mid ah Isbitaallada ku yaalla Muqdisho, hase ahaatee waa uu dhintay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan,  kadib qoraal ay ku baahiyeen baraha ay Internetka ku leeyihiin.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xooggan islamarkaana laga maqlay meello badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

004 003 002 001

Goobjoog News