Rasmi: Doorashada Kuma Dhici Doonto Waqtigii Loogu Talogalay
Sheeko:Dalka

Guddiga Doorashada dadban ee federaalka ah ayaa war Saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay jadwalka shaqada ee doorashada 2016-ka aanu ku dhameystirmi karin sidii loogu talo-galay.
Guddiga federaalka ah ee doorashada dadban ayaa soo tiriyay caqabado ay sheegeen in ay hor yimaadeen howlaha doorashada isla markaana keenaya in ay shaqada dib u dhacdo, caqabadaha ayaa waxaa ka mid ah: Caqabado siyaasadeed, caqabado amni, caqabad la xiriirta hannaanka maamulidda miisaaniyadda 2016-ka iyo madax dhaqameedka oo aan weli soo dhameystirin ergooyinka.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:-