U bood dhigaalka

Qaar ka Mid ah Beerihii magaalada Laascaanood oo Biyo la’aan Darteed u Qalalay

Sheeko:Dalka

Waxaa yaraaday biyihii laga heli jiray togga Durdurka laascaanood taas oo saamaysayn ku yeelatay Beeralayda reer Laascaanood oo inta badan

Beerahooda ka waraabsada biyaha ay ka helaan Durdurka laascaanood iyadoo ilaa 42 Beerood ay dhibaato ka soo gaartay biyo la’aantaas.

Saddex Iyo Toban kamid ah Beeraha togga Dur-durka ayaa Beeralaydii la hayd ka huleeleen markii ay u waayeen Biyo ay ku waraabiyeen Beerahdooda kadib markii ay gureen Ceelashii kuyaalay Durdurka laascaanood.

25 maamlood ku dhawaad ayaa waxaa ka jira xaalad bilyo la’aaneed taas oo soo food saartay dadka beeraaleyda ah ee durdurka magaalad laascaanood, iyadoo dadkii beeraaleyda ahaa ay geedihii ka qalaleen.

Cabdiraxmaan Faarax Warsame oo ka mid ah beeraaleyda halkaasi dagan ayaa nooga warramay sida ay biyo la’aantu u taabatay;  “Waxaan joognaa beeraha Durdurka Laascaanood, waa adigaa u jeeda beertii biyo la’aan baa iga qalajisay, illaa 3 kun oo geed ayaa iga khasaaray biyo la’aan ayaana iga khasaarisay, muddo bil ah way i haysay biyo la’aantaasi, hadda ka hor 2008-dii taas oo kale ayaa igu dhacday, waan ka soo kabtay iyadoon cidina iga caawin, lacagta hadda mudadaa bisha ah iga khasaartay waa $4500, markii horena waxaan faa’ido ahaan helijiray reerka masaariiftiisa iyo illaa $400”.

Magaalada Laascaanood ayaa biyaha ka hesha ceelal laga qodo togga dhinaca koonfureed ka mara magaalada ee loo yaqaanno “Durdurka”, kaas oo dadka xoolaha iyo beerihuba ay ka waraabaan, iyadoo toggani uu biyo yareeyo xiliga ay roobabku soo raagaan.

Goobjoog News