Odayaasha Degmada Buuloburde Oo Diiday In Caasimad Laga Beddalo Degmadaasi

Odayaasha Degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan ayaa ka biyo diiday go’aankii Ergada Shirka Jowhar ay ku meel mariyeen in caasimadda Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha DHexe ay noqoto Magaalada Jowhar.
Waxa ay sheegeen Odayaashan in aysan aqbalaynin sida ay warka u dhigeen, Shirka ka socda Magaalada Jowhar.
Dowladda Federaalka Soomaalia ayay ku eedeyeen in ay caburinayso , aragtidada dadka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.
“Annaga haddaan nahay reer Buuloburde waan diidnay waxa ka socda Jowhar, maxaa yeelay Jowhar waxaa ka socda waa xaq darro, waana ka soo horjeednaa sidaas ha u ogaato beesha caalamka” ayay yiraahdeen.
Odayaashani ayaa ku dooday in aysan ka qeyb gelaynin shirka maamul u sameynta ee Jowhar.
Ergadii ka qeyb galaysay shirka Jowhar ee ka socotay degmada Buuloburde ayaa la soo sheegayaa inay isaga baxeen shirkaasi kadib markii ay ku gacanseyreen inay aqbalaan codeynta qaar kamid ah ergada oo ku aaddan in Jowhar caasimadda loo bedalo.
Weli shirka Jowhar waxaa ka maqan qaar kamid ah duubabka dhaqanka ee gobolka Hiiraan kuwaasoo ku sugan magaalada Baladweyne, sheegeyna inaysan aqbali doonin waxa ka socda Jowhar iyo natiijada ka soo baxdaba.
Goobjoog News