Kenya Oo Sii Deysay Nin Britten Ah Oo Lala Xiriirinayey Al-shabaab

Dowladda Kenya ayaa xorriyadiisa dib u siisey Tom James oo ah muwaadin u dhashay dalka Britten kaasi oo Labo cisho kahor ka xirey hoy uu ka deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga iyo Labo Haween ah oo u dhashay Soomaaliya.
Wararka waxay sheegayaan in Mr. James la siidaayey kadib markii ciidamada dambi baarsita ah ku waayeen waxyaabaha markii hore ninkaan lala xiriirinayey.
Tom James ayaa la sheegay inuu Nairobi u tagey baaritaan ku aadan macluumaad la xiriira shabakadaha Argagaxisada iyo sida ay iskula shaqeeyaan.
Dhanka kale weli lama shaacin in Labadii Haween Soomaaliyeed ee James lala xiray iyaguna dib loo siiyey xorriyadooda.
Dowladda Ingiriiska ayaa dowladda Kenya usoo dirtay baaq ah in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo faah faahiyaan sababta ay ku xirteen Tom James.
Goobjoog News