Maamulka Hiiraan Oo Soo Dhoweeyay Doorashadii Ka Dhacday Jowhar
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle State.
Guddoomiye xigeenka siyaasadda iyo ammaanka ee gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha cusub ee loo doortay maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe.
Waxa uu sheegay in maamulka gobolka Hiiraan ay ku faraxsan yihiin islamarkaana ay soo dhoweynayaan haddii ay yihiin maamulka gobolka Hiiraan waxaana uu u mahadceliyay dowladda federaalka gaar ahaan wasaaradda arrimaha oo uu sheegay in dadaal badan ay u gashay arrintaas.
“Maamulka cusub ee Hirshabeelle ee lagu dhisay magaalada Jowhar aad baa u soo dhoweynaynaa waxaana ku faraxsannahay in maanta reer Hiiraan ay heleen maamulkani cusub islamarkaana reer Hiiraan ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan maamulka Hirshabeelle” ayuu yiri guddoomiye xigeenka.
Wuxuu sheegay guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan in maamulka cusub ee Hirshabeelle madaxdiisa ay ugu baaqayaan inay cadaalad ku maamulaan dadka wada deggan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Masuuliyiinta gobolka Hiiraan ayaa horey u diidanaa dhismaha maamulka Hirshabeelle ee xalay lagu soo gebagebeeyay magaalada Jowhar sida ay ku sheegeen hadallo horey oo ay warbaahinta siiyeen.
Dhanka kale, masuuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinka Baladweyne iyo Maxaas ayaa sidaas oo kale soo dhoweeyay dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle, waxaana Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo siyaasiyiin la socda aysan weli ka hadlin dhismaha maamulkaan Hirshabeelle State.
Goobjoog News