Faah Faahin: 3 Qof Oo Lagu Dilay Degmada Saakow, J/dhexe
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Saddex ruux oo shalay Xarakada Al-shabaab ay ku toogteen fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Al-shabaab ayaa raggan ay dileen waxay ku eedeeyeen iney la shaqeyn jireen dowlado shisheeye oo Maraykanka ka mid yahay, islaamrkaana ay macluumaad u gudbin jireen.
Shacabka ku dhaqan degmada Saakow ayaa meel fagaare ah la isugu keenay si ay u daawadaan raggaasi la tooganayo.
Raggan la toogtey ayeey Al-shabaab magacyadooda ku kala sheegeen, Liibaan Xasan Maxamed, Maxamed Salaad iyo C/laahi Maxamed C/raxmaan.
Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka arrimiyaan marar badan waxay sidan oo kale ugu toogteen rag ay sheegeen iney la shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlado shisheeye.
Goobjoog News