U bood dhigaalka

Puntland Oo Soo Gababagabeysay Doorashada 12 Xildhibaan

Nofeembar 6, 2016

Waxaa maanta magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay doorashada 12 xildhibaan, waa qeybtii ugu horeysay ee 35 Xildhibaan oo Puntland u matali doona Baarlamaanka Federaalka ah.

Xildhibaannada La doortay waxaa ay kala yihiin:

Kursi 1aad: Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa noqday xildhibaanka ugu horreeya ee aqalka hoose, waxaana uu helay 49 cod, isaga oo ka guuleystay C/rashiid Xasan Yuusuf  oo helay 1-cod, wanaa maqnaa nin xanuunsan.

Kursiga 2aad: Saciid Daahir oo helay 44 waxaa uu ka guuleystay Faadumo Ismaaciil Bootaan oo heshay 7 cod

Kursi 3aad: Cumar ismacil waaberi 28 ayaa ku guuleystay kadib markii uu ka adkaaday Maxmed cabdi cusmaan 22 cod, Dr. Cusman Cabdi Maxmud 1 cod

Kursi 4aad: Cilmi Cumar Diini oo 27 ayaa ku guuleystay,  Abdiraxman Axmed Maxamud 24 ayaa kursigan ka  helay, Zakriye

Kursiga 5aad: Axmed Ismaciil Xaaji ayaa 38 cod ku guuleystay, Imaan Maxamed Canshuur 12 cod

Kursiga 6aad: Maxamud Xayir ibraahim ayaa ku guuleystay kursigii 6-aad, si cod aqlabiyad le ah, Xayir waxaa la Tartamayay Abwaan oo Wasiir Hore ka soo Ahaa Puntland, wuxuuna heley 12-Cod Iyo Abdixaafid Cali Yusuf Ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Wuxuuna Heley 2-Cod Kaliya.

Kursiga 7aad: Cabdinasir Saciid Muuse oo 26 cod helay ayaa ku guuleystay isagoo ka adkaaday Maxamed Saciid Saalix oo helay 17 cod, Cabddiraxmaan Maxamed oo helay 3 cod iyo Cabdulahi Maxamed Ciise oo helay hal cod.

Kursiga 8aad: Dahir Xaaji Geele ayaa ku guuleystay, waxaa uu helay 46 cod.

Kursiga 9aad: CabdirashiId Maxamed Xasan ayaa Ku guleystay oo helay 27 cod

Kursiga 10aad: waxaa helay Cali Farax Daahir oo helay 42 codec

Kursiga 11aad: C/casiis Maxamed Maxamud ayaa ku guuleystay 38 cod, Maxamed Kulane 10, Saciid Faarax 13,

Kursiga 12aad: Cabdulahi Bile Nur ayaa ku guuleystay 39, Axmed Cali Xirsi 10, 2 cod ayaa xumaaday.