Goor dhow waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe ka billaabatey doorasha xubnaha aqalka sare ee kusoo aaddey maamulka Hirshabelle.
Xildhibaannada Hirshabelle ayaa dooran doona 8 kursi oo maaamulkaasi ku leeyahay aqalka sare ee baarlamaanka.
Labo kamid ah kuraastan waxaa ku tartamaya Haween oo kaliya si loo ilaaliyo qoondada haweenka 30%.
Musharraxiinta ayaa kala ah:-
1- Maryan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen
2- Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud, Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Dayib Axmed
3- Maxamed Cismaan Faarax (Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi
4- Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey, Cismaan Mocow iyo Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.
5- Maxamed Amiin Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi
6- Muuse Xasan Yalaxow (Muusesuudi) iyo Xasan Cali Caadle
7- Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur
8- Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.
Goobjoog News