U bood dhigaalka

Wufuud Ka kala Socda Dowladda Federaalka Iyo Beesha Caalamka Oo Ku Wajahan Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wufuud ka kala socota dowladda federaalka iyo beesha caalamka ayaa ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo lagu wado in maanta uu ka furmo shirka wada  hadalka nabadda ee Gaalkacyo.

Wada hadalladani oo ay yeelanayaan maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa ku saleysan sidii ay xal looga gaari lahaa colaadda galbeedka koonfureed ka taagan ee labadan maamul u dhaxeysa muddo ka badan afar todobaad.

Dhanka dowladda federaalka waxaa wafdiga hoggaaminaya Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke halka beesha caalamkana wafdiga ka socda uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya MR Meachal Keeting.

Markii wufuuddani ay gaaraan magaalada Gaalkacyo waxaa lagu wadaa in labada dhinac ee maamullada Galmudug iyo Puntland madaxdooda ay isugu yimaadaan wada hadal.

Wufuudda maanta ku wajahan magaalada Gaalkacyo waxaa qeyb kamid ah qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira sida Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo iyagu heshiiskii horey maamulladaasi ay ugu gaareen Gaalkacyo sept. 2015-ka goobjoog ka ahaa.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa aad u yara deggan waxaana laga dareemayaa saxmadda madaxda labada dhinac oo ku kala sugan Koonfurta iyo Waqooyiga magaaladaasi.

Wixii ku soo kordha dib kala soco

Goobjoog News