Muqdisho: Gaadiidka Dadweynaha Oo Aan Maanta Shaqeyneyn
Maanta oo Talaado ah waxaa guud ahaan hakad galay shaqooyinkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, kadib cabasho ay muujiyeen gaadiidleyda.
Saakay ayeey shacabka Muqdisho kusoo baraarugeen gaadiidley badan oo waddooyinka dibadbaxyo ka dhigaya, sidoo kalena diidaya in la maro qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho.
Waxay gaadiidleydani ay sheegayaan in aysan awoodin lacago xad dhaaf ah oo ay tilmaameen in lagu soo rogey, iyaga oo cabasho ka muujiyey shirkad caymis oo ay sheegeen in dhanka dowladda usoo martey.
Shacabka Muqdisho ayaa maanta cagtooda maalaya, waxaana la arkayaa gaadiidka gaarka loo leeyahay oo kaliya oo magaalada dhexmaraya, halka aysan jirin gaadiid dadweyne.
Saameyn badan ayeey tani ku yeelatay dadkii u kalihi jirey shaqooyinkooda, waxaana sidoo kale midani ay saameysay ardaydii.
Maamulka gobolka Banaadir weli wax war ah arrintan kama aanu soo saarin, iyadoo gaadiidleyda ay sheegayaan ineysan shaqeyn doonin illaa cabashadooda wax laga qabto.
Goobjoog News