Maamulka Jubbaland Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dagaal ay la galeen ciidamada Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanno dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo saxaafadda kula hadlay Kismaayo, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay bilaabeen iney laayaan xoolaha iyo dadka shacabka ah ee ku sugan deegaannadaasi.
Jubbaland ayuu sheegay iney qaadatey go’aan ah iney qaadaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab, islamarkaana ay bilaabeen dedaallo ay shacabkaasi ku badbaadinaya.
“Al-shabaab waxay bilaabeen iney laayaan shacabkii ku dhaqnaa deegaannada Galbeed ee Kismaayo, sidoo kale xoolihii qaarna wey toogteen, qaarna waa ay dhaceen, sidaasi darteed waxaan go’aansannay in dagaal aan qaadno, waxaan go’aaminey inaan shacabkeenna badbaadinno, dagaalkana waa uu socdaa” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.
Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in la dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, balse tiradooda ma aanu shaacin, wuxuuna dhinaca kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo AMISOM looga baahan yahay in gurmad ay ka geystaan dagaalkaan oo ku sheegay inuu yahay naf badbaadin.
Dhanka kale Maxamed Cabdi Kaliil, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Jubbaland oo isna hadal kooban siiyey saxaafadda wuxuu sheegay in Al-shabaab ay dileen 9 qof oo shacab ah, sidoo kalena ay toogteen 24 neef oo geel ah.
Goobjoog News