Majaajiliste Boon Xirsi
Majaajiliste Boon Xirsi Bawdyo-gaab oo magaciisa oo saddexan uu ahaa Xuseen Xasan Cadib bilawgii kun sagaal oqol kontonkii ayuu ku dhashay deegaan baadiye ah oo ka agdhaw Hargeysa, waxaanu isaga oo ka yar da’da labaatanka uu soo galay Hargeysa halkaasi uu shaqaale ka noqday maqaayad cuntada samaysay .
Boon Xirsi oo ahaa cunto Kariye Wanaagsan sannadkii 1973-dii waxa uu alifay hal abuurnimadiisii ugu horraysay taasi uu ahayd fariin uu diraayey gabar uu jacayl u qaaday oo dalka Jabouti uga dhooftay .
Boon Xirsi fariintan waxuu qaab matalaad ah ugu dhiibay Bisad, oo ku tilmaamay inuu cunada siin jiray intii uu maqaayad ka shaqayn jira, dhammbaalkan uu Jabouti u diraayey waxuu ku muujiyey in Bisadu tahay noolaha kaliya ee qaadi kara fariintan waxaanu yiri isaga oo la hadlaaya Bisadii.
Bisad yahay rabaysani
Ee barabaraha iyo baaluhu ay casuus yiin
Waa taan baryaha qaar
Bogga iyo qanjaha iyo beerka aan ku siin jiray
Eed barwaaqo naaxdee
Ruuxa baylka kugu shuba
Budka aan la kori jiray
Waxes Boon ku leeyahay
Ma biddaa abaaloo
Waxan aan u baahnahay ba’ee
Mayla qabataa?
Boon Xirsi isla sannadkiiba waxa uu maqlay in haweenaydii uu jeclaaday la guursaday waxaanu sameeyey hees uu qaado fanaanka Maxamed Faarax Xirsi oo Ilwaad la dhaho erayadeeena ay ka mid yihiin.
Maxaad isku keen bartee
Iigaga baxdee
Igu ilawday
Sawtaan ugbaadiyo
Sida ila biyo leh
Shalay kuu ahaa
Abaalaw waxba ha tarin
Aqooneey waxba ha qaban
Mar haddii Ilwaad
Oon igu ag-dilay
Boon Xirsi sannadki 1974-kii waxuu isku arkay inuu qayb ka ahaan karo kacdoonkii xooganaa ee fanka Soomaaliyeed , isaga oo ka qaybqaatay riwaayad uu sameeyey Abwaanka Axmed Saleebaan Bidde oo uu ku matalaayey Dhakhtar .
Boon Xirsi oo intaas ka dib ay soo baxday hibadiisa faneed waxa uu qayb ku lahaa riwaayad caan baxday oo magaceedu ahaa NInba Timo Xamar oo haddana xiir, waxaana riwaayad oo ay wada curiyeen Abwaankii Meecaad Miigane uu Boon Xirsi ku darsaday heeso ay ka mid ahayd heesta Ninba waayihiisaa ileen geed ku waabee miyaan kuu waramay wali? Oo ay Aamina Cabdilaahi Xirsi iyo Maxamed Axmed Kuluc wada qaadeen .
Waxayna heestani ka sheekaynaysaa qaabka dhaqan ee ay Soomaalidu gaar ahaan wiil iyo gabadhi ku haasaawi jireen isaga oo midkastaaba ka kale u xogwaramayo isaga oo ugu tusaalaynaya dhacdooyin hore oo jiray .
Boon Xirsi intaas ka dib waxa uu caan ku noqday majaajilooyinka iyo waliba qaab masraxiyadeed naadir ku ahaa fanka Soomaaliyeed , waxa uu sameeyey googoosyo kala duwan oo ah riwaayado dhextaal u ahaan jiray bandhig faneedyada ay qabtaan fanaaniintu .
Boon Xirsi ka sakaw magaciisa Xuseen Xasan Cadib waxa uu lahaa magacyo kale oo toban ku dhaw kuwaasi oo hadba ka uu doono isku magacaabo isaga ayaana dhammaantood la baxay waxaana ka mid ah magacyadiisa uu sheegan jiray xilliyada uu dadka ka qoslinaayo “ Hiinaw Haanaw, Mr Haashim Haadh ofda Kulayl , nin Daran eer maarshaal kiin , mudane gool wootar , Xaaji Maxamed nin Alla , Diin Gargaar , ma danayste , Shacab u doode , Khatar Cadiim , Badda Cas may ruush Boon Xirsi Bawdyo-gaab”.
Magacyadan marka uu tiriyo waxay ahaan jireen kuwa masraxu sacab iyo alalaase is qabsan jiray .
Boon Xirsi ayaa tobankii sanno ee ugu dambeeyey waxa la’aa laxaadka aragga/indhool ka dib markii uu ku qarxay Janta-siigar/Gaaslaytar uu sigaar ku daaranayey lagumana guulaysan isku dayo lagu sameeyey in aragiisa lagu badbaadiyo
Boon Xirsi mar uu warbaahinta Goobjoognews ugu waramay magaalada Hargeysa waxuu u sheegay inuu wax caruur ah uu hal wiil dhalay waxaanu isaga iyo xaaskiisa Shamso ay deganaayeen xaafada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa halkaasi oo uu xalay si kadis ah ugu geeriyooday
Alle ha u naxariisto Boon Xirsi