U bood dhigaalka

93 Wariye Oo Caalamka Lagu Dilay Sanadka 2016

Sheeko:Dalka

Warbixin uu soo saaray ururka caalamiga ah ee u dooda wariyeyaasha ayaa waxa uu sheegay in sanadka maanta ku eg dhammaaday ee 2016 caalamka siyaabo kala duwan loogu dilay 93 wariye kuwaas oo la dilay iyaga oo ku guda jira howlahoodo shaqo.

Tirada wariyeyaasha ah oo sandkaan la dilay way ka yar tahay marka loo fiiriyo sanadkii tagey 2015 ee la soo dhaafay.

Ururka waxa uu sheegay in wariyeyaasha  lagu dilay dhacdooyin kala duwan iyagoo qaarkood weerar toos ah lagu qaaday kuwa kalana loo beegsaday siyaabooyin kala duwan.

Wadamada lagu dilay wariyeyaasha ayaa waxay kala yihiin:

Maraykanka waxaa lagu diley 24 wariye

Bariga dhexe waxaa lagu diley 28 wariye

Afrika waxaa lagu diley 8 wariye

Yurub waxaa lagu diley 3 wariye

Ciraaq waxaa lagu diley 15 wariye

Afgaanistaan waxaa lagu  diley 13

Mexico waxaa lagu diley 11 saxafi.

Marka loo fiiriyo dilalka wariyeyaasha  ee sanadkaan way ka tiro yar tahay marka loo eego sanadkii 2015 kaas oo la dilay in ka badan 122 saxafi.

Weeraradii ugu weynaa ee ay la kulmaan wariyeyaasha caalamka ayaa waxaa ka mid dhacdo ka dhacday  wadanka Afghaanistaan taas oo ah in 7 saxfi la dilay hal mar kadib markii gaari ay saarnaayeen ay weerareen xubno ka tirsan ururka Daalibaan.

Goobjoog News