U bood dhigaalka

Taliye Ciidan Oo Lagu Dhex Dilay Villa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in uu toogtey taliye ku xigeenkii ciidanka ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdi Qoorgaab.

Wararka qaar waxay sheegayaan in askariga wax diley iyo taliyaha dhintey uu muran dhexmaray daqiiqado badan, kadibna dilka uu dhacay.

Askarigii wax diley ayaa lasoo sheegayaa in goobta uu ka baxsaday, iyadoo weli arrintan aanay ka hadal saraakiisha ammaanka ee Villa Soomaaliya.

Waa fal dhif iyo nadir ku ah inuu ka dhex dhaco falkan oo kale ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo weli aan si rasmi ah oo lahayn muranka dhexmaray askariga iyo Taliyaha la dilay waxa uu salka ku hayey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News