Taariikhda Iyo Sababaha Lagu Dooran Karo Murashaxiinta Guddoomiyaha iyo Ku-Xigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka
Berri oo arbaco ah, waxaa umadda Soomaaliyeed u ballan-san tahay doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku-xigeenkiisa 1aad.
Afar murashax oo guddoomiyennimada u tartameysa iyo lix kale oo isku heysata guddoomiye ku-xigeenka koowaad ah ayaa saaxada soo istaagey.
Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasha la wadaageysaa taariikh nololeedka 10-kaasi murashax iyo sababta ay sheegeen mid weliba in uu u qalmo in la doorto.
Hadaba, Axaddii tagtey ayaa la dhageystay khudbadooda, isagoo qof weliba uu sheegey sababta lagu dooran karo ama uu ugu qalmo in la doorto.
Murashaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari:
Wuxuu dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, Shahaadada 2aad ayuu ka heysaa Qaanuunka, wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ayuu ahaa(1984-1990), waxaa uu xubin ka noqdey dhowr guddi oo dastuurka ah sida guddiga diyaariyay dastuur KMG ah 1990-kii, Lataliyaha UNDP ee dastuurka hadda dalka lagu maamulo iyo markii dambe guddoomiyaha guddiga khubaradaha ah ee dib-u-eegista dastuurka ilaa 2012-kii loo doortey guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah, Jawaari waxaa uu ku hadlaa 5 luqad.
Mr. Jawaari oo baarlamaanka federaalka ah kalsooni ka raadinaya waxaa uu yiri:
“Waxaad igu qiimeysaan labo qodob oo kaliya, tan koowaad; Khibrad, tan labaad waxaad igu qadarineysaa hiigsiga aragtideyda aan jeclahay inaan idinku hoggaamiyo haddii aad isiisaan kalsoonidiinna oo aad ii doorataan guddoonka golaha shacabka”.
Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig
Waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 1960-kii, waxaa uu shahaadada 2aad ka heystaa maamulka iyo ganacsiga ee jaamacadda Anglia Ruskin University ee UK, waxaa uu baarlamaani ahaa wixii ka dambeeyay 2004-tii, waxaa uu sidoo kale wasiir ku xigeen ka noqdey wasaaradaha Gashaadhigga, shaqada iyo shaqaalaha iyo amniga qaranka
C/rashiid Maxamed Xiddig waxaa uu Xildhibaannada federaalka ah ka hor sheegey:
“Waxaan u taaggannahay in shacabka Soomaaliyeed ee quustay u abuurno rajo iyo mustaqbal ifaya, waxaan u taaggannahay inaan dhagax dhigno rajadii dowlad wanaagga oo ku saleysay cadcddaan iyo isla xisaabtan ka bilaabanaya golaha baarlamaanka”.
Xildhibaan Cabdifitax Maxamed Geesey:
Cabdifatah Maxamed Ibrahim Geesey, waxaa uu Muqdisho ku dhashay 1968, waxbarashadiisa Al-furqaan English Institute ayuu ka bartey Koorsooyin dhowr ah, xagga shaqada waxaa uu guddoomiye ka noqdey Bay 2008 iyo markii dambe wasiirka amniga ee Koonfur galbeed 2015-kii.
Geesey oo baarlamaanka cod weydiisanaya waxaa uu yiri:
“Waxaa igu dhaliyay inaan xilka u istaago si loo gaaro himillooyinka ay Soomaalidu hiigsanayaan iyo dhaliilo baahsan oo aan arkay baarlamaannaddii iyo hoggaankii horreeyay oo aad idinkuba markhaati ka tihiin intii xildhibaan soo ahaan iyo intii dalka joogtaba oo ay ka mid ahaayeen mushaar aan joogto ahayn iyo dayacaad amni xumo ay xildhibaanno farabadani ay naftooda ku waayeen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen”.
Idiris Cabdi Dhakhtar:
Waxaa uu ku dhashay Baydhao 1965-tii, Jaamacadda Lafoole ayuu darajada koowaad ka qaatey kuliyadda beeraha, wasiirka beeraha ayuu ka noqdey maamulka koofur galbeed, waxaa uu madax ka noqdey Jaamacadda Upper Jub
“Waxaan isku soo taagay inaan noqdo afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sababtuna waxay tahay in la helo hoggaan ummadeed oo cadaalad ah, cadaalad haddaan la helin amni lama helaayo, waxa naga maqan cadaalad waaye, waxaan rabaa in ummadda Soomaaliyeed ku noolaato sharaf tan adduunyada oo kale ah”. Ayuu u sheegey Idiris baarlamaanka federaalka ah.
Murashaxiinta Ku-Xigeenka Koowaad
Khadijo Maxamed Diiiriye Xaashi:
Khadiijo Diiriye oo ku dhalatay Muqdisho 2 April 1964-tii, waa hooyo leh 5 caruur ah, Jaamacadda Hope ayey 2014-kii ka qaadatey shahaadada koobaad ee Public Adminstration.
Khadiijo waxaa Xildhibaan noqotey dowladdii Carte 2000, waxaa ay xubin ka noqotey dhammaan baarlamaanndii xilligaas ka dambeeyay, iyaddoo guddiyo badan madax ka noqotey sida midka cilmi barista iyo guddiga xuquuqul insaanka, waxaa kaloo xilligaas wixii ka dambeeyay ay noqotey dhowr mar wasiiru dowlo ama wasiir ku xigeen, waxaa kaloo ay noqotey wasiirka horumarinta haweenka, wasiirka horumarinta reer miyiga, dhirta iyo daaqa, wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga iyo ugu dambeyntii wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha.
Khadiijo waxaa uu baarlamaanka federaalka ah u sheegtey arrinta ay xoogga saari doonto:
“Awoodda ay xildhibaannadu igu siiyaan kalsoonidooda oo kaliya inaan ixtiraamo oo aan haba yaraateen aan wax kale ku bedelan doonin, waxaa damqasho iga haysaa sababa keenay inaan mar kaleeto isasoo sharraxo ay tahay ciidamda Qaranka oo mar kasta aan maqalno gunno ma helaan, garaamkoodana ma helaan, iyadoo miisaaniyad mar kasta uu golahani uu ansixiyo ay dalkan ka dhaqan gasho, waxaan hormuud ka noqon doonaa inaan meel kale loo leexsan xuquuqda ciidamda qaranka”.
Jeylaani Nuur Ikar
Jeylaani Ikar Sh. Suufi waxaa uu Muqdisho ku dhashay 1955-tii, 1978-dii, waxaa uu dhaqaalaha ku bartey Jaamacadda Umadda isagoo sidoo kale 1980-kii maamul iyo maareynta uga baxey Akaadimiyad talyaaniga ku taallo, shaqada uu qabtey waxaa uu ugu muhiimsanaa xogheyaha guud ee ururka SANU, waxaa uu xubin ka ahaa baarlamaanka wixii ka dambeeyay 2008-dii, guddiga badan ayuu xubin ka noqdey ilaa 2012-kii loo doortey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka ah.
Jeylaani Nuur Iikar waxaa uu si weyn uga hadlay waxqabadkii baarlamaanka 9-aad oo uu inta badan ku dheeraaday, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa:
“Guddoonkii aan ka midka ahaa waxa uu ku hoggaamiyay golah si ku jirta xasillooni siyaasadeed oo dan u ah wadajirta iyo midnimada qaranka, mudadaas marna ma dhicin faragelin shisheeye oo golaha ah”.
Faarax Sheekh Cabdiqadir:
Faarax Sheekh Cabdiqaadir waxaa uu magaalada Baladweyn ku dhashay 1966-dii, waxaa uu shahaadada Master-ka ka heystaa 2, mid waa maamul iyo maareynta ee machadka(ESAMI)-Arusha iyo mid kale uu ka qaatey Jaamacadda Islamabad isagoo bartey sharciga iyo qaanuunka, shaqadiisa waxaa ugu muhiimsanaa isagoo Africa Muslim Agency xafiiskeeda Soomaaliya madax ka ahaa 1992-2007-dii, wasiiru dowlada madaxtooyada 2013-kii iyo xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka ah 2012-kii.
Faarax Cabduqaadir ayaa sidoo kale waxaa uu baarlamaanka federaalka ah hortiisa ka ballan-qaadey:
“Wadashaqeynta guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada waa arrin lafdhabar u ah habsami u socodka howlaha baarlamaanka, waa aaminsanahay inaan khibar u leeyahay la shaqeynta dad kala duwan oo dadka Soomaaliyeed ah oo deegaanno kala duwan ka yimaaday, waxaan ka shaqeyndoonaa dhisma qalabeynta iyo casriyaynta shaqada Baarlamaanka, sidaas oo kale baarlamaanka Soomaaliyeed inuu noqodo meel qadiyada dadkeennu ay leeyihiin lagu lafaguro”.
Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey
Cabdiweli Muudey waxaa uu qoryooley ku dhashay 1964-tii, Waxaa uu ka qalin jabiyay Machadka SIMAD 1988-dii, shaqadiisa waxaa ugu muhiimsanaa 2004-tii waxaa uu ka mid noqdey Xildhibaannada dowladdii KMG aheyd, 2012-2010 waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka, 2012-kii Xildhibaan ayuu mar kale noqdey, waxaa kaloo uu qabtey wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha
Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey oo baarlamaanka federaalka ah la hadlaya waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxaan u soo istaagey Kursiga guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka, kaas oo aad maqasheen inaan hadda ka hor horey u hayay, mar kale aan u soo tartamay oo la iga adkaaday, haddan aan mar kale u istaagay oo aan jeclahay inaan ku guuleysto, waxaan wax ku salaynayaa shareecada Islamamka, waxaan ahayn qof aamin ah oo aqoon u leh”.
Xildhibaan Khalid Macow Cabdiqadir
Khaalid Macow waxaa uu Muqdisho ku dhashay 1650-kii, waxaa uu wax ku bartey Jaamacadda Urbino iyo Akaadimeiyadda fanka ee Ravenna, waxaa taqasusaadkiisa ka mid ah Saxaafadda uu ka bartey Urbino , shaqadiisa waxaa uu muddo bare ka ahaa Jaamacadda Umadda, Jaamacadda Sanca iyo Jaamacadda Bologna, waxaa kaloo uu noqdey agaasimaha waaxda warfaafinta ee xibsigii XHKS,
Golihii shacbka 1985-1990, waxaa uu tifaftire ka noqdey Ogaal iyo Kasmo, waxaa kaloo uu qoray ilaa 4 buug
Khaalid waxaa uu baarlamaanka federaalka ka codsadey:
“Haddii la ii doorto guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka marka laga reebo howl-maalmeedkayga caadiga ah waxaa guddoonka kala shaqeyn doonaa shaqadeydana saldhig uga dhigi doonaa saddex jiho oo aan arkaayo iney halbowle u yihiin in baarlamaanka 10-aad uu ku guuleysto howlaha culus ee horyaalla, waxay kala yihii; jihada kowaad: sarreynta qaanuunka; jihada Labaad: Nabadgalyada iyo xasaanadda Baarlamaanka, jihada Saddexaad: Hurumarinta baarlamaanka”.
Saciid Xuseen Ciid
Saciid Ciid, waxaa uu dhashay 1973-dii, waxaa PHD ka diyaariyay American International Open University ee Qaahira, India ayuu labo Master ka diyaariyay, shaqada waxaa ugu muhiimsanaa 2016 waxaa uu 2014-ahaa wasiirka xanaada xoolaha, waxaa kaloo uu muddo ka shaqeeyey rugaha ganacsiga dalka sida Puntland.
Siciid Xuseen Ciid, waxaa uu baarlamaanka u sheegey:
“Kheyraadka ugu muhiisan oo ay leedahay Soomaaliya waa xoolaha in la hormariyo “Golaha Shacabka ee 10-aad isbedelka ku dhacay waa ka badan yahay %50 xubnaha cusub ee ku soo biiray golaha anoo matalaya waxay xaq u leeyihiin iney guddoonka qeybtooda ku yeeshaan gaar ahaan dhalinyarada oo nabar muhiim ah ka ah, waxaan ballan qaadayaa inaan ilaaliyo shuruucda iyo nidaamka u dagsan baarlamaanka, awoodaha uu ii qeexayo dastuurka aan ku ekaan doono”.
Ugu dambeyntii, waxaa baarlamaanka 10-aad horyaalla dhowr shaqo oo ay tahay in ay dhameystiraan sida: Sugidda Amiga oo loo sameeyo shuruucdii suurogelin lahaa shaqo nidaamsan oo aragti fog leh, dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka oo loo diyaariyo heer afti dadweyne ah, cadaaladda oo la fududeeyo meel marinta shuruucda maxkamadda dastuurka dhismaha guddiga cadaaladda, hubinta meel marka miisaaniyadda dalka.
W/Q: Khadar Xuseen iyo Cabdi Caziz Gurbiye,