Trump Oo Washington Ku Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Israel

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Ra’iisul wasaaraha Israel ku casuumay magaalada Washington, bisha soo socota, si ay kulan ugu qaataan aqalka cad, waxaana hadalkaani uu yimid kadib markii Labada mas’uul ay ku wada xariireen qadka Taleefanka.
Hadal kasoo baxay aqalka cad ayaa waxa uu ku sheegay madaxweyne Trump inay waa jib ku tahy inuu ilaaliyo ammniga Israel, waxa uuna Natanyahu uu ku raacay in la sii wado wada xaajoodka arrimaha ku saabasan bariga dhexe iyo hanjabaadaha dhanka Iran oo ku saabsan inay sameysanayso Nuclear.
Madaxweyne Trump ayaa carabka ku adkeeyay in nabad gelyada u dhaxeysa Israel iyo Falastiin ay ku imaan karto oo kaliya inay si toos ah ay uwada hadlaan Labada dhinac.
Dhanka kale, Ra’iiul wasaaraha Israel ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha cusub ee Maraykanka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa nabad galyada iyo ammanka bariga dhexe, waxaa intaas sii dheer inay soo hadal qaadaan heshiiska dhanka Nuclear-ka ee Iran iyo sida ay u socoto geeddi socodka nabadgalyada gobolka.
Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo uu madaxweyne Trump uu doonayo in la fuliyo heshiiskii ahaa in safaaradda Washington ay ku leedahay magaalada Talaabiib in loo raro magaalada Qudus.
Goobjoog News