Al-shabaab Oo Gudaha Kenya Weeraray, Kana Soo Qaatey Qoryo Iyo Gaadiid
Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Mandheera waxaa ay sheegayaan in dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Arabiya oo ka tirsan Mandheera.
Ilaa 20 Al-shabaab ah ayaa la shegayaa in ay halkaas weerareen, Dadka deegaanka waxaa ay sheegayaan in ilaa 10 ciidan ah ay halkaas joogeen, warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya, qaar ka mid ah warbaahinta waxaa ay sheegayaan iney dhinteen.
Al-shabaab waxaa ay horey u qaateen gaadiidka Booliiska, Mooto, qoryo iyo Mashiinnada lagu rajester-gareeyo doorashooyinka
Goobjoog News