U bood dhigaalka

Khudbadaha Musharraxiinta Madaxweyne Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo dhageysiga khudbadaha musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxayna xilhibaannada dhageysan doonaan 8-da musharrax ee ugu dambeysa.

Waxaa horey u khudbeeyey 14 musharrax, iyadoo maantana musharrax walbo uu fursad u heli doono in xildhibaannada Labada aqal u gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.

Musharraxiinta maanta hadli doona waxay kala yihiin:

1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

3.Maxamed Axmed Jabarti

4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

7.Maxamed C/risaaq

8. Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil

Maalinta Arbacada ah 8-da February 2017, ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News