Waaxda Cadaaladda Mareykanka oo Racfaan ka Qaatay Go’aankii Lagu Hakiyay Degreetadii Madaxweyne Trump

Waaxda Cadaalada Mareykanka ayaa racfaan ka qaadatay xukunkii maxkamadda Seattle ee Washington ay ku gaartay iney hakiso si kumeel gaar ah go’aankii madaxweyne Trump uu xayiraadda ugu soo rogay 7 dowladood oo ay Soomaaliya ku jirto.
Madaxweyne Trump oo ka hadlay go’aanka maxkamadda ayaa yiri; ” Waan ku guuleysaneynaa racfaanka, nabadgalyada dalkeenna dartii, annagaa guuleysaneyna”.
Mas’uul u hadlay arrimaha dibadda Mareykanka oo ay soo xigatay wakaladda wararka Reuters, ayaa waxa uu yiri, waxaan ka noqonnay xayiraaddii dhanka Visa-ha, dadka haysta Visa aan dhicin way u safri karaan Mareykaka”.
Madaxweyne Trump oo Twetter-kiisa ku soo daabacay qoraallo uu ku weerarayo go’aanka garsooraha ayaa waxa uu yiir “Waxaan u arkaa midkan isku tilmaamay garsooraha oo waddankeenna u diidan in qaanuunka la isku xukumo, inuu ku kacay tallaabo doqonniimo ah, waanan burin doonnaa go’aankiisa”, waxa uuna xaakimka ku eedeeyay inuu waddanka lugta u gelinayo ‘mushkilado waaweyn’.
Maxkamadda Seattle ee Washington ayaa Jimcihii soo saartay go’aan lagu joojinayo si kumeel gaar ah, degreetadii madaxweyne Trump uu ka gaaray qaxootiga iyo socdaalka 7 dal oo Muslim ah oo uu ku jiro dalkeenna Soomaaliya.
Goobjoog News