In ka badan kun(1000) buug ayaa maanta lagu soo bandhigay carwada buugaagta ah ee Kismaayo taas oo magaalada xeebta ah ka socon doona muddo labo maalin ah.
Furitaan-ka Bookfair-ka waxaa ka soo qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, wasiirada waxbarashada iyo haweenka iyo sidoo kale duqa magaalada Kismaayo.
Carwada Buugaagta Kismaayo waxaa soo qaban-qaabiyay Scan Som, Naadiga akhriska iyo qoraalka Kismaayo iyo Wasaaradda waxbarashada.
Qaban-qaabiyeyaasha carwadan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ujeedada laga lahaa ay tahay sidii loo uuq-geyn lahaa nabadda ka jirta Kismaayo, sidii loo dhiirigelin lahaa akhris-ka iyo qoraalka iyo sidoo kale sidii qurbo-joogta loo tusi lahaa maalgeshiga ka jira magaalada Kismaayo.
Qoraayaasha goobta buugaag ku soo bandhigay, kana hadli doona waxaa ka mid ah: Maxamed Sheikh Xasan , Dr. Maxamud Dirie, Ashkar Nuur, Zaki Rabiic, Maxamed Cabdiqadir Dauud iyo rag kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa uu bartiisa Twetter-ka ku bogaadiyay carwada buugaagta ee Kismaayo isagoo sheegay in ay qeyb ka tahay soo celinta nabadda.
Goobjoog News