Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday inuu kor dhinayo miisaaniyadda wasaaradda difaaca ee Maraykanka, waxa uuna doonayaa inuu ku daro 10% sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ku sugan Aqalka cad .
Mas’uuliyiintaan ayaa waxay sheegeen inuu madaxweyne Trump uu doonayo inuu kordhiyo miisaaniyadda wasaaradda difaaca,isagoo ku dari doona lacag dhan 54 bilyan oo u dhiganta boqolkiiba toban waxa uuna horgeyn doonaa xubnaha Kongareyska si ay u ansixiyaan miisaaniyaddaan.
Trump oo qaar ka mida madaxda kula qaatay kulan Aqalka cad ayaa waxa uu sheegay in miisaaniyaddaan xoogga lagu saarayo sidii loo horumarin lahaa ciidamada, ammaanka iyo dhaqaalaha .
Maraykanka ayaa ku bixiya miisaaniyadda ugu baday ciidamada iyadoo ay gaareyso miisaaniyadda ku baxda wasaaradda difaaca Maraykanka qarash dhan 600 bilyan oo doolarka maraykanka ah, .
Balse miisaaniyaddaan cusub ayaa waxaa go’aan ka gaaristeeda leh xubnaha kongareeska oo looga fadhiyo inay ansixiyaan ama ay diidaan .
Goobjoog News