U bood dhigaalka

Weriye Lagu Dhaawacay Muqdishu

Maarso 12, 2017

Warar hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho lagu dhaawacay weriye Xaamid Karazi . Weriyahan waxaa uu la shaqeeyaa Telefishin-ka Universal ee ka tirsan Telefishinnada laga daawacado ee Soomaaliya.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in gaarigiisa lagu xiray waxyaabaha qarxa, isagana uu soo gaaray dhaawac.

Lama oga heera dhaawaciisa iyo sababta loo beegsaday. wixii ka soo kordha la soco, wararkeena dambe.

Goobjoog News