Raggii Afduubtay Markabka Oo Hanjabay
Kooxdii qafaalatay markabka shidaal ee ku sugan degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa waxay ku hanjabeen iney sii wadi doonaan qafaalka ay ku hayaan maraakiibta kadib markii ay sheegeen in dhibaato loo geystay doonyo ay ku kalluumeysan jireen.
Dhallinyaradan qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney ahaayeen kalluumeysato, balse ay dhibaato ku qabeen doonyo laga leeyahay Yemen iyo Iiraan, balse markii dambe ay yimaadeen maraakiib waaweyn oo xaalufinaya kalluunka ayna go’aan ku gaareen iney maraakiibta qafaashaan, kuwo kalena ay qafaalan doonaan.
“Kalluumeysato baan ahayn, Iraani iyo waxyaabo noocaas ah baan qaati ka taagneyn, kalluunkii waaweynaa ee aan ka kalluumeysan jirnay inteynu iska deynay baa markii dambe waxaa inoo soo haray bahal la yiraahdo Indho buur oo shirkadaha ku shaqeeyaan oo la dhigo dhowr iyo Toban Mayl, hadane intaasi baan ku baxsan weynnnay, maraakiib waa weyn oo 50-meeyo ah baa nalagu soo daayay, wax walbo oo ay gurteen waxaan ka dhalaalineynaa markabkaan aan haysanno” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ragga qafaashay markabka.
Sidoo kale mid kale oo kamid ah raggan oo isna hadlay ayaa sheegay in kaliya laga qeyliyey Hal markab oo ay qafaasheen, balse maalmaha soo aadan ay kuwo kale qafaalan doonaan.
“Maraakiib badan baa dalkii soo galay, waan shaqeysan weynnay kalluun baddii waa laga waayey, jirifle ayaa laayey kalluun madoobe iyo kalluun Qareed, muhiimadda waxaa ah maanta Hal markab ayaa laga qeyliyey Berri iyo Saadambe inta baxaysa ayaa ka daran”
Afduubkan ay markabkaan kula dhaqaaqeen dhallinyarada Soomaalida ah ayaa imaanaya xilli hore loo saadaaliyey iney soo noqon karaan burcad badeedda haddii aan xeebaha dalka laga qaban maraakiibta sida sharci darrada ah ku kalluumeysta.
Goobjoog News