U bood dhigaalka

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Oo Ku Geeriyooday Itoobiya

Maarso 26, 2017

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulka Khaatumo Yaasiin Axmed Sulub ayaa lagu soo waramayaa inuu saakay ku geeriyoodey magaalaa Diridhaba ee dalka Itoobiya.

Qaar kamid ah ehlada wasiirka ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in si lama filaan ah looga qabtay wadnaha islamarkaana uu horey ka dhintay.

Yaasiin Axmed ayaa kamid ahaa Qurbe-joogta Soomaaliyeed, waxaana muddo uu hayey xilka wasiirka arrimaha gudaha Khaatumo.

Sidoo kale Marxuumkan ayaa kamid ahaa Qurbe-joogta sida aadka ah maalgashiga uga wadey deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News