Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarado dagaal oo habeen kahor duqeyn culus ka geystay deegaanno kamid ah gobolka Shabella Hoose, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.
Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in diyaarado Helicopter ah oo ay la socdeen ciidamada Dowladda iyo kuwo Ajaaniib ah ay duqeeyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada Mubaarik iyo Aw-dheegle ee Sh/hoose.
Ciidamadan oo dhulka u degay ayaa sidoo kale waxay la dagaallameen ciidamo ka tirsan Al-shabaab, waxaana la sheegayaa in halkaasi ay ku dhinteen 6 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab.
Saakay oo sabti ah ayaa lasoo sheegayaa in Al-shabaab ay howlgallo culus ka wadaan deegaannada la duqeeyey, waxaana ay xireen dad badan oo shaca ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shabellaha Hoose, waxay u sheegeen Goobjoog in khasaare xooggan lasoo gaarsiiyey Al-shabaab, balse dhanka Al-shabaab kama aanay hadal weerarkaan.
Goobjoog News