U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Soomaaliya Ka Bilaabaya Qaaraan Qaran

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ‘canshuurta’ magaca ka badali doono una bixin doono ‘qaaraad qaran’ haddii baarlamaanka Soomaaliya ay ka aqbalaan.

Madaxweynaha ayaa arrintaas kaga dhawaaqay xaflad lagu weyneynayay 15-ka May oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Canshuurtu waa ka badaleynaa hadduu baarlamaanka ii ogolaado, waxaana rabnaa in aan u bixino Qaaraan Qaran” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu sababta ku sheegay in canshuurta ay u egtahay boob iyo wax leys xoogayo.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baraarujiyay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuurta si dowladda ay u gudato waajibaadka laga rabo.

“Canshuurtu hadeydaan bixin dowladdu ma shaqeyn karto, waxyaabaha aad arkeysaan ee nalooga hormaray iyo dowladaha hormaray waxa ay horay ugu mareen waa shacabkooda ayaa canshuurta bixiya” ayuu ku sii daray.

Goobjoog News