Al-shabaab Oo Gaari Khaat Siday Ku Gubay Gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay gaari qaari siday Khaat ku gubeen meel ku dhow deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay.
Gaarigan ayaa ahaa nooca NOHA loo yaqaano, waxaana uu Khaatka ka keenay degmada Berdaale, isaga oo kusoo wajahnaa magaalada Baydhabo.
Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in Al-shabaab ay Baasuuke ku dhubteen gaarigaasi, waxaana la socda Askar ka tirsan ciidanka K/galbeed oo Khaatka ilaalo ka hayey, lama oga khasaaraha soo gaaray askartaasi.
Ciidamo gurmad ah oo iyaguna ka baxay magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in hadda ay deegaanka Awdiinle kula dagaallamayaan ciidamada Al-shabaab.
Dagaalkaasi isna lama oga khasaaraha ka dhashay, waxaana deegaanka Awdiinle la sheegayaa ineysan ka shaqeyneyn isgaarsiinta.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News