U bood dhigaalka

Ciyaartoy La Weeraray Iyo Macalin Tababare Ah Oo Geeriyooday

Maajo 23, 2017

Gaari ay la socdeen ciyaartoy Soomaaliyeed ayaa lagu weeraray xalay deegaanka calamada ee degmada Afgooye, sidaasi waxaa qortay SONNA.

Masu’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Wakaalada SONNA u Sheegay in rasaasta uu ku geeriyooday Yuusuf Cali Xeydar oo ahaa Macalinka labaad Kooxda Bariga Dhexe, waxaana uu dhaawac soo gaaray labo ciyaartoy oo u ciyaara Kooxda Elman.

Labada ciyaartoy ee dhaawacantay ayaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Mayow iyo ciyaaryahan lagu naaneyso Zimbaabwe.

Wararka Qaar ayaa Sheegay in Gaariga ay la socdeen ciyaartoyda uu ka baxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Afgooye.

Goobjoog News