U bood dhigaalka

Qatar Airways Oo Markii Dalalka Qaar Go’doomiyeen Hawo Ka Heshay Soomaaliya

Juun 6, 2017

Hey’adda socdaalka Soomaaliya waxaa ay sheegtay in diyaaradda Qatar Airways ay illaa 15 jeer isticmaashay hawada Soomaaliya tan iyo markii dalalka Carabta ay xiriirka u jareen.

Sarkaal ka tirsan hey’adda Socdaalka oo AP la hadlay, isla markaana la sheegay in uu magaciisa ka gaabsaday ayaa waxaa uu intaa ku daray in inta wadamada Khaliijka aaney xiriirka u jarin dalka Qatar ay Qatar Airways hawada Soomaaliya isticmaali jirtay   1 ilaa 2 jeer oo keliya maalintii.

Dalalka Saudi Arabia, Egypt, Bahrain iyo United Arab Emirates ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, iyaga oo ka xirtay hawada, dhulka iyo badda, taa badalkeeda Qatar waxaa ay hawo ka heshay dhanka Soomaaliya.

Goobjoog News