U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: Amiir Khaalid Oo Sheegaya In Sacuudiga Aanu Qof Muslim Ah U Diidi Karin Xaramka

Juun 14, 2017

Amiir Khaalid  Feysal oo ah la taliyaha boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdi Caziz ayaa waxa uu sheegay in boqortooyada Sacuudiga aaney qof muslim ah  u diidi karin inuu soo galo Kacbada iyo masjidka Nabiga isaga oo gudanayo cibaadooyinkiisa.

Amiir Khaalid  ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay  ku dadaalayaan sidii ay adeegyada ay u baahanyihiin dadka  imaanaya kacbada  ay u siin lahaayeen.

La taliyaha boqorka Sacuudiga ayaa sidoo kale waxa uu u mahad celiyay ciidamada ilaalada xaramka kuwaas oo uu sheegay in mar kasta ay u taaganyihiin sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka xaramka  iyo dadka xujeyda ah.

Amaiir Khaalid ayaa waxa uu carab baabay in axaddii la soo dhaafay ilaa iyo hadda ay soo dhaweynayeen dadka u dhashay Qatar kuwaas oo doonaya in ay soo cumreystaan.

Hadalkaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay dowladda Sacuudi Carabiya ay sheegtay in aysan xajka imaan karin dadka u dhashay dowladda Qatar ka dib markii ay shaqaaqo ay ka dhexdhacday Sacuudiga iyo Qatar.

Goobjoog News