Wasaaradda Amniga: Ma Jirto Waddo Xiran Oo Muqdisho Ah
Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku sheegtay iney jiraan waddooyin xiran oo magaalada Muqdisho ah.
Afhayeenka wasaaraddaasi Axmed Cara boo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay xaqiijiyeen amniga Muqdisho, islamarkaana waddooyinka ay yihiin kuwo furan waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waddo xiran oo Muqdisho ah ma jirto, haddii xiritaan loo yaqaano ciidan amniga waddooyinka ay taagan yihiin waa gooni, laakiin waddo gaar ah oo la xiray waddooyinka waaweyn ma jirto, wax fiican ma ahan barobagaandada amniga lagu wado, hadii amni wadanka ka dhaco horumar ayaa imaanaya…. adaan ku weydiinaa haddii ay jiraan waddooyinka xiran, aniga oo ah Afhayeenka wasaarada amniga ma arag, wax iga qarsoon malahan, ma jirto waddo muuqato oo xiran” ayuu yiri Afhayeenka.
Dhanka kale, Afhayeen Carab ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isaga oo tilmaamay in Al-shabaab ay cadow ku yihiin dadka shacabka ah.
Inkastoo Afhayeenka wasaaradda amniga uu waxbo kama jiraan ku sheegay iney jiraan waddooyin xiran oo magaalada Muqdisho ah ayaa hadana waxaan qarsooneen jidcadayaasha dowladda ay dhagxaanta ku xirtay, kuwaasi oo yaalla muddo bil ku dhow.
Goobjoog News