Golaha Ammaanka Oo Cuno Qabateyn Cusub Ku Soo Rogay Kuuriyada Waqooyi

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cuno qabateyn cusub ku soo rogay Kuuriyada waqooyi, taasi oo la xiriirta barnaamijkeeda Nukleerka.
Golaha ayaa sidoo kale waxuu qabtay kulan xayiraad lagu waxyaabaha ay dhoofiso Kuuriyada waqooyi, iyadoo dhanka kale sharuudo lagu soo rogay in maalgashi lagu sameysto gudaha dalkeeda.
Sida ay sheegayaan tirikoobyo la sameeyay, Kuuriyada waqooyi waxay dhoofisaa sanad walba badeecooyin badan, kuwaas oo qiimo ahaan gaaraya ku dhawaad 3 bilyan oo doolarka mareykanka ah, waxaana suurto gal ah in cuno qabateyntaan cusub ay u keeni karto hoos u dhac dhaqaale.
Sanadkaan gudahiisa, ayaa dowladda Shiinaha waxay joojisay dhuxushii ay kala soo dagi jirtay Kuuriyada waqooyi, ka dib markii ay kor dheen cadaadisyada uga imaanayay dhanka Pyongyang.
Goobjoog News