Wasiir Bayle Oo Xildhibaannada Uga Mahadceliyey Ansixinta Miisaaniyadda 2017

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle oo maanta ka qayb galay kulankii golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey ansixinta Miisaaniyada qaybta ka hartay sanadka 2017-ka.
Wasiirka balanqaaday in wasaaradu qaadanayso talooyinka gudiga baarlamaanka u qaabilsan maaliyadda ee ah in misaaniyada 2018-ka ay noqoto mid lagu sameeyey wada tashi balaaran.
“Wax wanaagsan ayaa ka soo baxay ansixintiina miisaaniyadda sanadaka 2017-ka waana idinka mahadcelinayaa, waxaan ka wasaarad ahaan balan qaadaynaa in la isga yimaado miisaaniyadda 2018-ka. Waxaan kale oo aan idiiin sheegi in meesha waxa aan ku hayno ay yihiin mid aad u yar, misaaniyadeenu waa 260 milyan oo doolar, 50% waxaan ka filaynaa dibada, dadaal badan ayaa naalooga baahan yahay inaan la imaano, sidaad ogtihiin dalkeenu waa isku tashan jiray waana inana hadana isku tashono” ayuu ku soo gaba-beeyey Wasiir Bayle.
Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta meelmariyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2017.
Goobjoog News