Guusha Kadib, Uhuru Kenyatta Oo Raila Ugu Baaqay In Ay Wada Shaqeeyaan

Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad waxaa uu noqday madaxweynaha Kenya, isaga oo dalkaasi maamuli doona 5ta sano ee soo socota.
Kenyatta waxaa uu helay 8,203,290 (54.27%.) halka ninka la tartamaayey ee Raila Odinga uu helay 6,762,224 oo u dhiganta 44.74%.
Doorashada madaxtinimada Kenya waxaa ku tartamay 8 murashax, waxaa ku jiray qof Muslim ah oo sheegay in uu ku xukumayo dalkaasi diinta Islaamka. Raila Odinga oo tartanka ku guul-dareystay markii 4aad ayaa sheegay in uu isaga ku guuleystay, arrintaas oo qalalaaso keentay.
Dhanka Soomaaliya, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu u hambalyeeyay Uhuru isaga oo u rajeeyay hoggaan wanaag, Madaxwyenaha ayaa yiri “Madaxweyne Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa.”
Goobjoog News