U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo u Ambabaxay Masar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo  ayaa saakay oo Axad ah waxa uu u ambaxay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweynaha oo casumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusii dhoweeyay mad’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Agaasimaha warfaaafinta Villa Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey safarka madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay inuu halkaasi kula kulmi doono dhiggiisa Masar, C/fitaax Al-sisi.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku sii jeedaa dalka Masar, kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa dalkaasi, wuxuu lakulmidoonaan madaxweynaha dalkaasi C/fataax Al-sisi, waxaa ku wehliya safarka madaxweynaha xildhibaano, wasiiro oo ay kamidka yihiin wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada”

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in Al-sisi ay ka wada hadlaan arrimo ku aadan xiriirka Labada dal.

Goobjoog News