Mahad Maxamuud oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimahagudaha ee Galmudug ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in maamulka Ahlu-sunna ee gobollada dhexe aanu daacad ka ahayn wadahadallada.
Waxa uu sheegay in marar badan maamulka Galmudug ay dedaal ku bixyeen sidii loola hadli lahaa Ahlu-sunna, balse dhankooda dib u dhac badan keenay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Mahad ayaa sidoo kale sheegay in marar badan waxgarad ay u tageen dhanka Ahlu-sunna, markii la balamana ay balamada ka baxaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Ahlu-sunna aysan is xukumi karin oo qof walbo dhankiisa u taagan yahay.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu ku dedaalayo sidii maamulkiisa ula heshiin lahaa Ahlu-sunna Waljameeca.
Halkaan hoose ka dhageyso
Goobjoog News