U bood dhigaalka

Dhageysiga Khudbadaha Musharraxiinta Hirshabelle Oo Maanta Bilaabaneysa

Sebteembar 10, 2017

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ka bilaabato dhageysiga khudbadaha musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Hirshabelle.

Waxaa is diiwaangeliyey sida guddiga uu sheegay illaa iyo 7 musharrax, waxaana ku jira siyaasiyiin caan ah.

Xildhibaannada waxay maanta bilaabayaan iney dhageystaan Khudabadaha si ay u kala qiimeeyaan shaqsiga ay u dooran lahaayeen madaxweyne.

Qorshaha doorashada ayaa ahaa 12-ka bishan, hase ahaatee warar laga helay guddiga waxay sheegeen iney 16-ka bishan ka dhigeen.

Ammanka guud ee magaalada Jowhar aad ayaa loo adkeeyay, iyadoo laga dareemayo magaaladaasi u diyar garowga doorashooyinka.

Goobjoog News