Sawirro: Puntland Oo Gubtay 600 Milyan Oo Shilin Soomaali Been Abuur Ah

Maamulka Puntland ayaa maanta waxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku gubeen 600 milyan oo shilin Soomaali been abuur ah, taasi oo dhowaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada ku sugan Kontaroolka magaaladaasi.
Waxaa goob joog ka ahaa halka lacagtaan lagu gubayey wasiirka maaliyadda Puntland C/laahi Carshe, xubno ka socday Bankiga Puntland iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Bari.
Muuse Aw Xuseen, Guddoomiyaha Bankiga Boosaaso oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lacagtaan ay uga timid dhanka gobollada Koonfureed ee dalka.
Deegaananda Puntland waxaa ka jiray sicir barar kadib markii la sheegay in halkaasi la geeyay lacago been abuur ah, iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin in deegaannada Puntland ay yaalaan makiinado lagu sameeyo lacagaha.
Halkaan hoose ka daawo sawirada:
Goobjoog News