U bood dhigaalka

Saddex Kamid Ah Raggii Weerary Hotelka Naasa Hablood 2 Oo Nolosha Lagu Qabtay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay iney gacanta ku dhigtey Saddex kamid ah raggii weerarka ku qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

C/casiis Xildhibaan oo ah afhayeenka wasaaraddan ayaa goor dhow saxaafadda u sheegay in howlgal saacado badan qaatay oo ay ciidamada sameeyeen kadib ay ku guuleysteen in nolosha ay ku qabtaan raggii illaa xalay ka dhex dagaallamayey Hoteelka.

Wuxuu Afhayeenka sheegay in weerarka Hoteelka Naasa Hablood 2 ay soo qaadeen Shan ruux, mid is qarxiyey, mid ciidamada ammaanka ay gudaha Hoteelka ku toogteen iyo Seddaxda kale oo nolosha lagu qabtay.

Waa howlgalkii ugu horreeyay ee noocaan oo kale ah misane ay ciidamada dowladda ku qabtaan rag weerar kusoo qaaday mid kamid ah hoteellada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News