Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu maanta booqasho ku tagay dalka Japan isaga oo sheegay in arrinta hubka ee Waqooyiga Kuuriya ay tahay arrimaha ugu muhiimsan uu kala hadfli-doono madaxa Asia.
Donald Trump waxaa uu booqasho 12 maalmood ah ku tagayaa dalal ku yaallo qaaradda Asia isaga oo madaxda dalalkaasi kala hadli-doona arrimo la xiriira waqooyiga Kuuriya.
Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu doonayaa in xal waara loo helo arrinta Pyongyang, isaga oo sida uu sheegay muhiim u ah Mareykanka iyo caalamka.
Xulafada Mareykanka ayaa shaki ka qaba sida Trumo ula shaqmi-doono ama u xallin-doono arrinta Waqooyiga Kuuriya kadib markii uu horay ugu hanjabay.
Goobjoog News