U bood dhigaalka

Waare Oo Sheegay Iney Bilaabeen Howlgallo Lagu Furayo Waddooyinka Ay Xireen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgallo waddo furis ah ka bilaabeen deegaannada maamulka Hirshabelle, gaar ahaan waddooyinka u xiran Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay Waare in la gaaray waqtigii shacabka Hirshabelle loo furi lahaa waddooyinka, maadaama ay soo badatay cabashada ay shacabka qabaan.

Sidoo kale, Waare ayaa tilmaamay in ciidamada Hirshabelle ay qudhooda kaalin weyn ka qaadanayaan howlgalladan, isaga hoosta ka xariiqay in howlgallada socon doonaan inta ay Al-shabaab u xiran yihiin waddooyinka.

Al-shabaab ayaa go’doomiyey deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan, sidoo kale waxay weli ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News