U bood dhigaalka

Dhageyso: Mudane Ka Tirsan Aqalka Sare Oo Sheegay Iney Gargaar u Sameyn Doonaan Barakacayaal Ku Sugan Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii barakacayaal Labo kun  gaaraya ay gargaar ugu sameeyn lahaayeen.

Guddoomiyaha guddiga kheyraadka qaranka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee  aqalka sare Senator Ilyaas Cali Xasan oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in shalay markii ay gaareen magaalada Baydhabo ay booqdeen xerooyin ay ku jiraan qoysaskaasi.

Wuxuu sheegay in gobollada Koonfur Galbeed dadka ku nool xilligani ay yihiin kuwa nolol ahaan aad u liita una baahan gurmad Bini’aadannimo.

“Markii aan nimid waxaan durba isku daynay in xaaladda dadka barakacayaasha ee deegaankaan ku nool inaan wax badan ka ogaanno, meello badan oo baahiyo ay ka jiraan waan booqannay sida Isbitaallada, Ceelasha biyaha, xarumaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha iyo meello kale, duruufo badan oo deegaanka ka jira ayaa jira oo aan rajeynayo in wax un laga qaban doono” ayuu yiri Senator Ilyaas.

Qoysaskani oo ka soo hayaamay degaanno ka kala tirsan gobollada Baay iyo Bakool ayaa Labadii Todobaad ee la soo dhaafay gaarayay magaalada Baydhabo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News